HALYEEYADA AFRIKA


Xulka kubadda cagta Nigeria ee lagu naanayso Super Eagles oo la macno ah gorgorradii sare, waxaa lagu xusuustaa tartankii Olombikada adduunka ee ka dhacay waddanka Maraykanka sanadku markuu ahaa 1996. Markaas oo ay ka hortageen waddamadii ugu tunka waynaa kubadda cagta caalamka. Waxay kulankoodii ugu horreeyay hal iyo eber uga badiyeen waddanka Hungry goolkaas oo uu dhaliyay cayaaryahan Kanu.


Cidna isma lahayn Nigeria ayaa meel fiican ka gaari karta koob ay Brazil iyo Argentin u tartamayaan, balse mar kale ayay wacdaro muujiyeen kadib markii waddanka Japan ay uga badiyeen 2 gool iyo waxba, waxaana labada goolba shabaqa taabsiiyay xidiggii Jay Jay okocha.


Sidaas ayayna uga soo gudbeen wareegga hore, mar kale ayayna mucjiso dhigeen iyagoo wareegga sideedda ku kala diray xulki Mexico oo ay uga badiyeen laba gool iyo waxba.


Cayaarti semi finalki waxay ku aadeen xulka Brazil oo waqtigaas ay u ciyaarayeen xiddigihii dunida ugu caansanaa sida Ronaldo, Rivaldo, Ronaldinho, Babeto  iyo Roberto Carlos. Balse marnaba wax baqdin ah kama muujin ciyaarta. Waxay uga badiyeen 4 iyo 3. Waxay dunidu xusuusataa bandhiggii cayaaryahan KANU kaas oo dhaliyay goolkii guusha waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta,  waxaana ay halkaas ugu gudbeen finalka kama dambaysta ahaa oo xulka Argentina uu ku sugayay,


Mar kale waxay ahayd shaqo adag inaad ka hortagto Argentina oo ay garoonka ugu jiraan Ortega, Lopez, Zanetti, Diego Simione iyo Hernand Crespo, balse Nigeria oo haysatay taageerada qaaradda Afrika oo dhan marna ma muujin wax jixinjix ah. Ciyaarta finalka ee uu dhexdhexaadiyay garsoore Collina waxay ku soo idlaatay Nigeria 3 Argentina 2 iyadoo uu goolka guusha dhaliyay cayaaryahan Amunike daqiiqaddi 90.


Balse maanta taariiqdaas si weyn ugama sheekeeyaan caalamka kubadda cagtu.  Taariikhdii Afrika waxaa lagu koobay in shakhsi shakhsi looga sheekeeyo sida in la dhaho Chelsea 2 Kanu 3 iyo wax la mid ah

Comments