Xulka kubadda cagta Nigeria ee lagu naanayso Super Eagles oo la macno ah gorgorradii sare, waxaa lagu xusuustaa tartankii Olombikada adduunka ee ka dhacay waddanka Maraykanka sanadku markuu ahaa 1996. Markaas oo ay ka hortageen waddamadii ugu tunka waynaa kubadda cagta caalamka. Waxay kulankoodii ugu horreeyay hal iyo eber uga badiyeen waddanka Hungry goolkaas oo uu dhaliyay cayaaryahan Kanu. Cidna isma lahayn Nigeria ayaa meel fiican ka gaari karta koob ay Brazil iyo Argentin u tartamayaan, balse mar kale ayay wacdaro muujiyeen kadib markii waddanka Japan ay uga badiyeen 2 gool iyo waxba, waxaana labada goolba shabaqa taabsiiyay xidiggii Jay Jay okocha. Sidaas ayayna uga soo gudbeen wareegga hore, mar kale ayayna mucjiso dhigeen iyagoo wareegga sideedda ku kala diray xulki Mexico oo ay uga badiyeen laba gool iyo waxba. Cayaarti semi finalki waxay ku aadeen xulka Brazil oo waqtigaas ay u ciyaarayeen xiddigihii dunida ugu caansanaa sida Ronaldo, Rivaldo, Ronaldinho, Babeto iyo Robe...
Comments
Post a Comment